Skip to content

Kusoo Dhawoow Moalimuufx.com

.

Hayaan Dhaqaale Iyo Hankobcin Ummadeed

  • Aqoon iyo Kalsooni Ku trade garee

  • Isku filnow keligaana Trade garee

  • Trading-ka ka dhigo ganacsi (Career)

Qorshaha Ganacsi (Trading Plan)

Trading System

(Trading System/ Strategy) Waa qodobka ugu muhiimsan Qorshahaaga Ganacsi, waana midka aad Mar walba u martid fursadaha aad suuqa ka qaadanaysid. Nidaamkaagu waa in uu ka koobanyahay, qodobo aad mid walba gaarkiisa ugusoo tababaratay. Trading system-kaaga Waxaa uu iskugu jiri Karaa Taxlilin farsamo (Technical Analysis) iyo Taxliilin Dhaqaale  (Fundamental analysis)

Risk Management

Nidaamkeenna Xakamaynta Khasaaraha (Risk Management) Runtii waa laf dhabarka qorshaheena ganacsi. Waa muhiim in  Qorshahaaga Xakamaynta Khasaaruhu uu iskugu jiraa qayb kuu sheegaysa Inta lacag ah ee aad Halkii fursad ku lumin kartid iyo sidoo kale khasaaraha aad kala kulmi kartid guud ahaan kooxdii fursado ah ee aad wada qaadatid. 

Trading Psychology

Trading Psychology waa in aad haysatid qorshe aad naftaada ku horumarin kartid, Kuna ilaalin kartid si aad u xamishid xaaldaha is rogrogaya ee aad suuqa kala kulmi doontid. Samayso jadwal u gaar ah xiliga suuqa aad u qorshaysay (Trading routine) Qor fursadaha aad qaadanaysid iyo sababta u qaadatay iyo waxyaalaha niyadaada soo gala marka aad fursadaha galaysid (Trading journal) 

Abdiwali Moalimuu

.

Abdiwali Ahmed Ali (Moalimuu) Waa Ganacsade ka shaqeeya suuqa sarifka lacagaha qalaad ee loo yaqaan forex, waana hogaamiye iyo macalin bulshada soomaaliyeed ee fursadaan danaynaysa ka caawiya sidii ay iyaguna uga shaqaysan lahaayeen suuqa maaliyadeed ee dunida ugu weyn. Moalimuu waa qoraa dhallinyar ah oo wax ka qoray arrimo si khaas ah ugu wajahan dhalinyarada jiilkiisa ah. Moalimuu sida oo kale waa cilmi-baare iyo dhiirrigaliye dhallinyarada kala hadla sidii ay dunida horusocodka ah wax ula qaybsan lahaayeen.

Moalimuufx

Hoyga Barashada Xirfada Forex Trading

.

Moalimuufx.com Waa Madal waxbaraho oo loogu talogalay in ay cilmi iyo khibrad ka kororsadaan dadka Soomaaliyeed ee ku shaqaysta Xirfada Suuqa Sarifka Lacagaha Qalaad ee Forex. Website-kaan waxa uu la mataansanyahay Youtube Channelkeena @Moalimuufx oo ah meesha ay soomaali badan oo suuqaan guul ka gaartay ay kasoo bilaabeen safarkooda aqoon kororsi ee barashada xirfadaan.

Waxbarashada Madasheenaan ku jirta waxay Iskugu jirtaa Qayb bilaash ah oo qof walba uu qayb ka noqon karo, kuna filan in uu qofkaasi fahmo Wax walba oo aas-aasiyaad u ah sidii suuqaan looga shaqaysan lahaa. Hase ahaatee waxaa kale oo uu Website-keenu leeyahay Qayb Private Mentorship ah oo uu Macalinku sanadkiiba koox kooban oo ardayda kamid ah uu si 1 on 1 ah uu ugu Mentor gareeyo. 

Qawaaniinta Suuqa Sarrifka Lacagaha Qalaad (Forex)

.

Buuggan waa mid aad ku baran doontid, xeerarka iyo qawaaniinta uu ku dhisanyahay, loogana shaqaysto Suuqa sarrifka lacagaha qalaad ee loo yaqaan Forex. Qorshaha ganacsi ee aad buuggan ku baran doontid waa mid ku sallaysan qawaaniin iyo xeerar ay tahay in aad mid walba fahamtid si aad u noqotid sarrifle isagu keligii isku filan, kaasi oo hayaankiisa dhaqaale aan qof kale u daba fariisan. Macluumaadka buuggan ku qoran waa kuwa runtii u baahan in aad waqti ku filan aad midkiiba gaarkiisa ugu bixiso, si aad u fahamtid macnaha dhabta ah ee ka dambeeya qodob walba iyo casharka gaarka ah ee ku jira.

Want to receive push notifications for all major on-site activities?

error: Content is protected !!