Muuqaalkan Waxa uu ahaa Live Webinar aan Galnay 26-kii November 2022✍🏾 Bilowga hore ee Muuqaalka waxaan kaga hadlayaa muhiimada ay leedahay in uu qof walba uu samaysto qorshe uu maalin walba ku samaynayo Daily Backtesting iyo sida arintaas oo la sameeyo ay runtii kaaga caawin karto Xalinta Qodobo badan oo Trading Psychology ah oo dad badan ay ku wareersanyihiin ✍🏾 Sidoo kale Waxaan si faah faahsan aan u sharaxayaa Sida loola socdo Order flowg-a suuqa aniga oo weliba si khaas ah u dul istaagaya Hal Case Study oo aan faah faahinayo haddii aad fahamsantahay order flowga socda in aad fahmi kartid suuqa iyo waxa uu damacsanyahay✍🏾 Intaas kadib waxaan kale oo aan muuqaalkaan si faah faahsan ugu sharaxayaa Doorka muhiimka ah ee PLH/PHL ay suuqa ku leeyihiin iyo sida aad marmarka qaarkood iyaga dartood aad usoo fulin kartid fursado ku meel gaar ah oo Buy to sell ama sell to buy ah kuwaasi oo ku gaarsiinaya xuduudka suuqa haya ee lagusii socdo ✍🏾