Muuqaalkaan Qaybtiisa hore waxaan si faah faahsan oo tusaalayaal wadata aan u sharaxayaa in aysan kaa lumin jidkii uu suuqu soo marayay si aad u fahamtid Order flowga iyo Momentumka suuqa oo runtii ah Luuqada uu suuqu nagula hadlo marka uu inoo sheegayo dhaqaaqyada soo socda ee aan weli imaan, haddii aad hadalka suuqa fahamtid waxay kaa caawinaysaa in aad is waafajaisid adiga qorshahaaga iyo suuqa qorshihiisa Qaybta dhexe ee Webinarka waxaan kaga hadlayaa Waxyaalaha Asalka iyo aas-aaska u ah dhibaatooyinka Psychology ee dad badan oo traders ah ay la kulmaan ee suuqa ka saara, dhibka inta aan xalkiisa laga fakarin waa in marka hore la fahmaa waxa uu dhibkaasi salka ku hayo iyo sababta uu u yimi Halka saac ee Muuqaalka u dambaysa waxaan si qoto dheer u sharaxayaa Sida loo samaysto Hadafyo Sanadle ah oo nolosha iyo suuqaba ku saabsan Sirta ugu weyn ee Hadaf loo dagsado ma ahan in aad natiijada hadafkaas keliya aad gaartid waa Waa qofka aad nnoqonaysid iyo is bedelka nololeed ee kugu dhacaya inta lagu mashquulsanyahay Xaqiijinta Hadafkaas